WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaaf oo balantii uga baxay Nabad & Nolol eedaymo culusna u jeediyey-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July u dhiibtau Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, si ay u daadihiso geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay muddo 3 bilood natiijo la’aan la taaban karo ka sameyn weyday doorashooyinka.

Xaaf ayaa caddeeyay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Iyo waxgaradka Galmudug inay dhistaan Galmudug loo dhan yahay.

HALKAN KA DAAWO

SOMALI NEWS

To Top