WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shacabka Hargeysa oo jawaab dhirbaaxo ah siiyey Maayerkii ku gefay Shacabka Muqdisho-Video

Hargeysa (HM) ― Dadweynaha kala duwan ee ku nool magaalada Hargeysa ee Caasimadda u ah maamulka 21 jirsaday ee aqoonsi raadiska ah ayaa si weyn oo cadho leh uga jawaab celiyay hadal shalay ka soo yeedhay Ninka maayirka ka ah Magaaladaas..

Ninkan oo lagu magacaabo  Solteco ayaa sheegay in ‘Bisada ku nool magaalada Hargeysa ay ka nasiib badantahay qofka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho’, hadalkaasi oo si weyn uga horyimaaden shacabka magaalada Hargeysa, kuwaasi oo u arka maayirka mid ku howlan wax aan loo diran.

HALKAN KA DAAWO

Qaar kamid ah dadweynaha Hargeysa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Maayirku dayacay shaqadii caasimada, isla markaana uu ku hadaaqayo hadalo iyo wax aan looga joogin.

“Maayirkeenu wuxuu ka sheekeynayaa Muqdisho, wuxuuna lahaa ‘Bisada hargeysa joogta ayaa waxay ka nasiib badantahay qofka muqdisho jooga’ Maayir wataa shaqadaadii (Bilicda magaalada). waxaana ku leeyahay in aad muqdisho u jawaabto kumaanan dooran ee waxaanu ku dooranay in aad magaalada bilicdeeda noo hagaajiso” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa oo warbaahinta la hadlay

“Maayir bal waxaad u fiirsata hadalkaad laheyd maanta iyo biyaha caawa maraya Hargeysa gudaheeda ee weliba wadadii halbowlaha aheyd maraya, dadkii maatida ahaa iyo dadkii xanuusanayeyba dhamaantood halkaasey ku xayirnaayen maayir. Shaqadaadii waad dayacday adiga iyo golahaaguba, idinkoo waqtigiini dhamaaday ayaa hadleysan oo warbaahinta la taagantihiin dood aan la garaneyn” ayuu yiri isaguna mid kale oo shacabka kamid ah.

Waxayna intaas kusii dareen “Bisadaha looma diran Maayirka, waxa loo diray bilicda magaalada in uu ka shaqeeyo, maahanaa in Muqdisho laga sheekeyo ee waa in Hargeysa biyaheeda laga sheekeya”.

Hadalkan ka soo yeedhay Maayirka caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa ee bulshada reer Hargeysa sida weyn uga jawaab celiyeen, ayaa sidoo kale waxa saacadihii la soo dhaafay si weyn looga jawaab celinayey baraha bulshada, iyadoona qaarkood u arkayeen Maayirka mid shaqadiisi gabay oo arrimo kale ku foogan.

SOMALI NEWS

To Top