WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xuutiyiinta Yemen oo soo bandhigay Khasaarihii ugu cuslaa ee gaadha Ciidamadda Sucuudiga.

Muqdisho (HM)-Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadii baahiyay muuqaal muujinaya weerarkii cuslaa ee ay ku qaadeen Ciidamada Sacuudiga, iyadoo weerarkan ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Sacuudiga ka soo gaaro dagaalka Yemen.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Saree ayaa sheegay in weerar gaadmo oo ay ku qaadeen Ciidamada Sacuudiga ay ku dileen ku dhowaad labo boqol askari, halka kumanaan kalena ay nolosha ku qabteen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“In ka badan 200 ayaa lagu dilay daraasiin gantaal iyo drones, iyagoo isku dayaya inay baxsadaan ama isa soo dhiibaan,” ayuu yiri Saree.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Sacuudiga ay ku qasbeen inay xadka ka gudbaan oo ay galana gudaha Sacuudiga.

Dagaalkan ayaa ka dhacay Gobolka Koofureed ee Najran, iyadoo muuqaalo laga duubay ay muujinayana gawaari gaashaaman oo gubanaya, ayna isa soo dhiibeen tiro askar Sacuudiyaan ah.

Sidoo kale muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday hub fara badan oo ahaa kuwii ay isticmaalayeen Ciidamada Sacuudiga ee la weeraray.

SOMALI NEWS

To Top