WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay Muqdisho kadib ka qayb galkii shirka UN-ka-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo himilada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.

SOMALI NEWS

To Top