WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Waxqabadkii Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo Warbixin Xiiso badan-Video

Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xilka loo magacaabay 6-dii bishii April ee sanadkii hore 2017, waxaa uu noqday Guddoomiyihii ugu da’da yaraa ee soo mara Gobolka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii xilka uu la wareegay ka bilaabay tallaabadiisa koowaad eedib u habeynta shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen, waxaana markii u horeysay uu soo kordhiyay nidaam cusub oo shaqaalaha ay ku qaadanayaan mushaarkooda si isla xisaabtan ah, iyadoo shaqaalaha mushaarkooda ugu soo dhacayeen akoono Bank.

Sidoo kale waxyaabaha qeybta ka ahaa waxqabadkiisa ka mid ahaa nidaamka maaliyadeed ee gobolka banaadir, kaasoo ah adeeg dakhli kasta ee soo gala Gobolka Banaadir lagu ogaanayo, iyadoo ay tahay si daah furnaan.

Guddoomiye Taabit ayaa mudadii xilka hayay maamulkiisa hirgeliyay howlo kala duwan sida waxbarashada, iskuulo, dhismo waddooyin iyo dib u qurxinta taalooyinkii caanka ahaa ee Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu markii u horeysay ka soo muuqday shirarka looga hadlayo masiirka dalka, waxaana uu ka qeyb galay shirarkii Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Taabit ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa uu kafaala qaaday caafimaadka carruur xanuunsaneyd oo wax looga qaban waayay dalka gudihiisa, isla markaana caafimaad dibadda ah u diray.

 

SOMALI NEWS

To Top