WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday inay mamnuucday dhaq dhaqaaqa mucaaradka NRM iyo Xiisad hor leh-Video

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucay dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta ee NRM, iyadoo ku tilmaamtay inay yihiin burcad.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Isbaheysiga Mucaaradka ay xilka Madaxtinimada Kenya u dhaariyeen Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.

Dhaq dhaqaaqa la mamnuucay ee NRM ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga Mucaaradka ee NASA ee uu hoggaaminayo Raila Odinga.

Tallaabadii shalay Raila Odinga ay mucaaradka ugu dhaariyeen Madaxtinimada Kenya ayaa waji cusub gelisay dalkaas, waxaana laga cabsi qabaa qalalaase ka dhaca dalkaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Nairobi, kaddib markii uu ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa.

Xiisadaha siyaasadeed ee Kenya ay gashay ayaa sababtay in hawada laga saaro Telefishin iyo Idaacado.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Raila Odinga oo ka soo muuqday fagaaraha Uhuru Park, halkaasoo kumanaan kun oo ruux ay isugu yimaadeen waxaana mucaaradka u dhaariyeen Madaxda shacabka Kenya.

SOMALI NEWS

To Top