WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia oo sheegay in uusan Sacad Cali Shire wax wadahadal ah la galin ee kaliya uu Salaamay-Video

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda federaalka Somaliya mudane Cawad oo waraysi siinaya Tv-ga SomaliCable ,ayaa ka hadlay arrimo Dhawr ah oo muhiim ah.

Arimaha ugu waa weyn ee uu wasiirka arimaha dibada Somaliya uu faahfaahiyay ama ka hadlay waxaa ugu horeeyay wada xaajood uu Horay u sheegay wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire in uu dhexmaray isaga iyo Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad ayaa yidhi”Ma jirin wax wada xaajood rasmi ah oo na dhexmaray aniga iyo Sacad Cali Shire kaliya waxaa na dhexmaray salaan lama oran karo taas wadaxaajood”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi Wasiir Cawad”Aniga layma wakiilan mana jirin amar lay siiyay ama qorshe wada xaajood oo laygu amray in aan la galo Somaliland,,.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadalka Wasiir Cawad ayaa waji gabax ku ah hadal uu todobaadkii Hore Saxaafadda siiyay wasiirka arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad cali Shire ,kaasoo uu ku sheegay in uu wada xaajood la galay Wasiirka Arimaha dibada Somaliya.

SOMALI NEWS

To Top