WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiir ka tirsan Xukuumaddii Siilaanyo oo Banaanka soo dhigay halista Saldhiga Berbara iyo Khatarta Maamulka Muuse Biixi-Video

Maxamed C Obsiiye oo kamid ahaa Wasiiradii Xukuumadii Siilaanyo ayaa Maamulka Muuse Biixi ku dhaliilay go’aanka uu ka qaatay Sixir Bararka, Wuxuuna Amaanay doorka Shiradaha Dahabshiil iyo Telesom ay Bulshada ugu Jireen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu soo bandhigay Arimo Qarsoon oo ku saabsan Saldhiga Milatari ee magaalada Berbera laga siiyey Imaaraadka. “Saldhigu waa arinta ugu Khatarsan ee Mandaqada kusoo Kordhi karta,   Carabta oo hada kala Qaybsantay oo Xulufo Noqotay ayaa doonaya inay Dhulkaaga hada la wareegaan “ Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wuxuu raaciyey “Hadii si wanaagsan looga Fekeri waayo, Waxay Somaliland noqon doontaa kuwa ugu Jilicsan ee la isla Jiidho, waana in looga Fekero si guud oo Qusaysa Guud ahaan Geeska Afrika”.

SOMALI NEWS

To Top