WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u baqaya Noloshiisa,Dalkana aan ka bixi karin iyo sababta-Video

Siyaasiga  C/Raxmaan C/Shakuur oo wareysi  siiyay Tv-ga Universal  ayaa ka hadlay dhibaatooyin dhowr ah oo ka dhashay weerarkii dhawaan lagu soo qaaday, Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in mucaaradnimada uu ku heysto taageero badan, waxa uuna farta ku goday in baaritaan la sameeyey ay ku ogaaden in dadka ugu badan ee taageera dowlada ay yihiin kuwo maalmo un leh Akoono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in mar kale lagu weeraro Hooygiisa ayaa waxa uu sheegay in cabsida aysan aheyn mid isaga ku kooban balse ay tahay mid ay wada qabaan dhammaan Siyaasiyiinta ka fekerka duwan dowlada.

Waxa uu sheegay in cabsida ugu badan ee uu qabo ay tahay in loo adeegsado awooda NISA, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay jiraan dowlado shisheeye oo isku dayaaya inay usoo adeegsadaan al-Shabaab.

‘’Xogta aan helay oo aad u sareysa waxa ay muujineysaa inuu jiro weerar aniga iga dhan ah oo ay igu soo qaadayaan al-Shabaab, waxaana qorshahaasi wada dowlado shisheeye’

Mar wax laga weydiiyay tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday inuu ka safray dalka ayaa waxa uu sheegay inaanu weli ka bixin magaalada Muqdisho, isagoo sababta ku sheegay in laga laayay ciidamo isaga nafta u huray isla markaana lagu aasay kabaha ay wateen, taasi wixii ka danbeysana ay ku waajibtay safar iyo wixii la halmaala’’.

SOMALI NEWS

To Top