WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dekedda Magaalada Kismaayo oo Habeenkii laga dhoofiyo Dhuxusha iyo Maamulka Axmed Madoobe oo ka aamusan-Video

Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa waxaa Dekeda Kismaayo lagu arkay gaardiid fara badan oo sida dhuxul laga keeney deegaanada Jubbooyinka, kuwaasoo laga dhoofinayay Dekeda.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga habeenkii Dekeda qaab qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusho, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan

Maamulka Jubbaland ayaa la ogaaday in dhaqaale fara badan ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah oo horay loo mamnuucay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhuxusha laga daabulayo Dekeda Kismaayo ayaa loo dhoofiyaa dalal ku yaalla Qaarada Aasiya, oo si suuq madow ahaan loo geliyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanado ka hor mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dowladda Federaalka oo horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta ayaa wali ka hadlin dhoofinta dhuxusha ee ka socota Kismaayo.

SOMALI NEWS

To Top