WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif iyo Faysal Cali Waraabe oo gaadhay Dalka Jarmalka-Video

Waxaa dalka Jarmalka gaadhay  Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Xubno ka socday Jaaliyadaha Labada dhinac ee Halkaasi ku sugan, Waxayna ka mahad celiyeen soo dowaynta loo sameeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal oo dhowaan Xog ka bixiyey Safarka  Jarmalka ayaa sheegay  inay halkaasi u tagi doonaan Dhaqaalle Jarmalku ugu deeqay Soomaaliya, Iyagoo u sheegi doona inay Khaatumo iyo Somaliland is raaceen Qaybtoodana ay soo qaadan doonaan.

“Aniga iyo Cali khaliif Waxaanu ka sheekayn doonaa Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Waxay bixinayaan 122-milyan oo doollar, waxaanu doonaynaa inay Qabteena na siiyaan,  Khaatumo iyo Somaliland oo wada socda ayaanu Adduunka soo tusaynaa “ Ayuu yidhi Faysal.

SOMALI NEWS

To Top