WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Mahad Salaad oo si adag uga jawaabay Heshiiska la sheegay in uu Itoobiya isagu u Saxiixay & Go,aanka Dowladda ee Qalbi Dhagax-Video

Sida lagu sheegay warka ka soobaxay dowladda, waxaa golaha la horgeeyay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN RIIX DAAWO WARAYSI

Mahad salaad oo Waraysi siiyey VOA ayaa Sharaxay Heshiiska ay Xiligaasi galeen, Wuxuuna sheegay inay labada dhinac ay Ku Heshiiyeen meel uga soo wada jeestaastaan Nabada, Balse wuxuu meesha ka saaray inay ka hadleen Arimo Quseeya ONLF.

Wuxuu  sidoo kale sheegay inaysan meesha ku jirin Eedaysanayaal la isku dhiibo,  Wuxuuna Xukuumadda ku dhaliilay go’aanka ay ka qaadatay Arintaasi.

SOMALI NEWS

To Top