WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Cabdikariin Guuleed oo si adag uga jawaabay Go,aanka Dowladdu ka qaadatay Qalbi Dhagax & in uu ogaa Heshiis-Video

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay  go’aan ay maanta ka soo saareen Golaha Wasiirada ku wareejinta Cabdikariin Qalbidhagax dowlada Itoobiya.

Laanta afka Soomaaliga ee Voa oo wareysi la yeelatay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayuu ku sheegay in heshiiska ay golaha wasiiradu go’aanadoodu ku soo dareen uu yahay mid aan waafaqsanayn heshiiska ay hore u gaareen maamulka Galmudug iyo Maamulka dowlad deegaaneedka Soomaalida.

HALKAN RIIX DAAWO WARAYSI

“Heshiiska la gaaray 2dii bisha May 2016 waxa uu ahaa heshiis quseeyay xasilinta colaad u dhexeysay labo qabiil oo labada dhinac kala degan,waxana aan ku metelayay heshiiskaas dowlad goboleedka Galmudug ee ma ahayn heshiis aan wakiil ugaga ahaa dowlada federalka Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mar uu ka hadlayay Guuleed arrinta ku saabsan jabhada ONLF ayuu waxa uu beeniyay in heshiiskaas uu ku jirey qodob ah in ONLF uu yahay urur Argagaxiso.

“Heshiiska meel ay uga xusan tahay ururka ONLF inuu yahay argagaxiso ma jirto ,waxaana aan ku adkeysanay in ururkaas aan u aqoon urur argagaxiso.”ayuu sii raaciyay Guuleed,

Mar wax laga weydiiyay in heshiiska ay gaareen Galmudug iyo dowlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya inuu ku jirey mid la isku celin karo dadka dambiyada gala ayuu yiri;

“Heshiiska ma ahayn mid qarsoon warbaahintana waa loo soo bandhigay,haba yaraatee ma jiro meel uu uga xusan yahay in dambiilayaal aan is dhaafsano ama dambiilayaal aan isweydaarsano.”ayuu yiri Guuleed.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo lagu xusay go’aanka maanta ay gaareen golaha wasiirada inuu hesiis ay wada gaareen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isagana ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dhinac uu ahaa mid uu wakiil ugaga ahaa dowlad goboleedka Galmudug maadaama uu yahay xildhibaan ka soo jeedo.

“Heshiis labo dowladood haddii ay galayaan hab loo maro ayaa jira arrinta isku gudbinta eedeynsayaashana waxaa qoraya  dastuurka qodobadiisa 36aad iyo 37aad waana sharci ka soo baxaya golaha baarlamaanka madaxda dalkuna ay saxiixayaan.”ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Golaha wasiirada kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen ayaa qodobadii ay cuskadeen waxaa ka mid ahaa in heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

 

SOMALI NEWS

To Top