WARARKA SOOMAALI

Daawo:Al-shabaab oo Beenisay in uu Xidhiidh la lahaa Qalbi Dhagax Kana hadashay Go,aanka Dowladda Somalia-Video

Ururka Alshabaab ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo ay dhowaan dowlada Soomaaliya ku wareejisay dowlada Itoobiya inuu xiriir la lahaa, iyadoo maanta kulan ay yeesheen golaha wasiirada go’aanadii ka soo baxay ay ka mid ahayd inuu xiriir la lahaa Cabdikarin Qalbi dhagax ururka Alshabaab.

Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Alshabaab qoraal uu soo saaray ururka ayay isaga fogeeyeen inay wax xiriir ah la lahaayeen Qalbidhagax. “Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray maamulka Farmaajo oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse “Qalbidhagax” kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Alshabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Warkan ka soo baxay ururka Alshabaab ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo qaar kamid ah mas’uuliyiin lagu xusay qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirada ee maanta Muqdisho ka dhacay ay beeniyeen in heshiis uu dhex maray dowlada federalka soomaaliya iyo dowlada Itoobiya kaasoo fasaxaya in la isku wareejin karo dadka dambiyada ka gala labada dal.

Waxaa isa soo taraya walaaca ku saabsan go’aanka rasmiga ah ee dowladu ka soo saartay arrinta Qalbi dhagax oo maalmihii la soo dhaafay kan ugu hadal haynta badan baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah.

 

SOMALI NEWS

To Top