WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Dumarka Sucuudiga oo ka hadlay Go,aakii Loogu ogalaaday in ay wadi karaan Baabuurta-Video

Boqorka Sucuudi Carabiya, boqor Salmaan ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u ogolaaday dumarka dalkaasi in markii ugu horreysay ay kaxeeyaan baabuurta.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sucuudi Carabiya ayaa ah waddanka kaliya ee caalamka ee aan dumarku u ogoleyn in ay baabuur ka xeeyaan, waxaana dumarka qaar ee u bareeray in ay baabuur kaxeeyaan ay muteysteen ganaax adag iyo xitaa xabsi.

Go’aanka boqor Salmaan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dowladda Mareykanka oo ku sheegtay tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan.

Khadro Axmed Biid oo ah gabar Soomaaliyeed oo deggan dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Sacuudi Carabiya.

waxa ayna ka warbixisay dareenka dumarka dalkaasi ku nool iyo dhibaatooyinka ay ku qabeen ka hor go’aankan

 

SOMALI NEWS

To Top