WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Boosaaso Odayaasha Gobalka Bari oo ku kacay Cabdiweli Gaas iyo Shirkadda DP-World Cabsi Xooggan-Video

Dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii April heshiis horumarineed la saxiixatay shirkada DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ay kula wareegayso maamulida dekada Boosaaso ee ah isha dhaqaalaha Puntland.

Mashruucan oo lagu ballaarin doono dekada Bosaaso ayaa waxa ku bixi doona sida la qiimeeyey dhaqaale gaaraya $336 milyan oo dollar.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Si kastaba, odayaal dhaqameedyo ka badan 70 xubnood oo ay ku jiraan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay gobolka Bari, ayaa waxey maanta shir jaraa’id ku qabteen Boosaaso iyagoo sheegay in heshiiska ay ka soo horjeedaan, danna aysan ugu jirin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

SOMALI NEWS

To Top