WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xaaf oo ka hadlay wararka sheegaya in xilkii laga qaaday iyo in uu Xabsi Guri galiyey Gudoomiyihii Baarlamaanka-Video

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa wareysi Bixiyey ayaa sheegay inuusan Dastuurka Galmudug qabin in madaxweynaha Mooshin laga keeno lix bil ka hor.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu isku difaacay in Dastuurka Galmudug uu qeexayo inaanan wax mooshin ah lix bilood gudahood looga keeni karin Madaxweynaha la doortay.

“Mid kalena waan idin sheegaya dastuurku wuxuu qoraya qofka la doorto lix bilood gudahood maba laga keeni karo mooshin.”Ayuu yidhi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd in Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa ay ku xiran yihiin Madaxtooyada Cadaado oo aysan ka bixi karin,isagana uu amray ayuu ku jawaabay;

“Wax ka jira lama arko, ciidamada nabadsugida ayaa amarkaas bixisay iyagoo kula taliyay inaysan magaalada u bixin maadaama ay xasarad jirto.” Ayuu yidhi Xaaf.

SOMALI NEWS

To Top