WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Dgaaal culus oo maanta ka dhacay Deegaanka dhimasho iyo dhaawac baadan oo ka dhashay-Video

Aroornimadii hore ee saaaka ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidamin ah ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Jubbaland.

Korneel Muqtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbland ayaa beeniyay Warar ay Barta Internet-ka ku qoreen Al-Shabaab kaas oo ay ku sheegeen in qabsadeen Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhanka Jubbaland dagaal ka dhacay Buula Gaduud aysan ka soo gaarin khasaaro aad u weyn isla markaana ay iska difaaceen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nsoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaladu iminka ay tahay mid degan,islamarkaana deegaanka Buula Gaduud ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbland.

 

SOMALI NEWS

To Top