WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:-Barakac xooggan oo ka socda Deegaano ay Tukaraq kamid tahay iyo Xaalad kacsan-Video

Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ka socda Barakac xoogan kadib markii degmadaasi ay isku horfariisteen ciidamada Maamulada Puntland iyo  Soomaaliland deegaankana waxaa laga dareemayaa xaalad colaadeed oo balaadhan.

Saldhigyo duleedka degmadaasi ah oo ay kusuganyihiin ciidamada labada maamul ayaa laga dareemayaa diyaar Garowo xoogan oo ku aadan Hub iyo Ciidamo lagu ururinayo deegaanadaasi.

Gudoomiyaha gobolka Sool maamulka Puntland ugu magacaaban Daahir Canshuur ayaa sheegay inay Shacabka kunool magaaladaas miyiga iyo magaalaba ay kasoo horjeesteen ciidamada Maamulka Soomaaliland uguna baaqeen inay isaga noqdaan degmada balse diideen Somaliland.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ku doodaya in Shaabka Deegaanku uu Puntland kasoo hor jeedo oo ay Somaliland doonayaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top