WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada G. Sanaag iyo Saraakiisha Muuse Biixi oo u hanjaby Shacabka-Video

Laascaanood ( HM) Saraakiisha Ciidamada Milatariga iyo Booliska ee Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Sareeya Gaas C.laahi Fadal imaan oo Warbaahinta kula hadlay hargeisa ayaa ka Warbixiyey sida ay gobolka sanaag uga dhaqan gelin doonaan Go’aankii kasoo baxay Madaxwayne Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inay ka Qaadi doonaan cid kasta oo ka hor timaada ay Tallaabo ah sharci ah ka Qaadi doonaan, Shacabka ayaa loo faray inay la shaqeeyaan Ciidamada, Waxay sidoo kale xuseen inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka ka gacansada Waxyaabaha Maanka dooriya.

Ciidamadu ku Amaran yihiin inay Qabtaan Qofkii lagu Arko isagoo Hub sita, kuna sugan Sadexda degmo ee Ceerigaabo, Ceel-afwayn iyo Gar-adag.

Dhinaca kale waxay sheegeen in lagu Raad joogo Cidii Fulisay Dilkii Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland, kuwaasi oo kasoo jeeday Gobolka Awdal.

SOMALI NEWS

To Top