WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidanka Soomaliland oo Xabsiga ka buuxiyey Hooyooyin Banaanbax dhigayey markii Wiilashoodii Magafe qabsaday-Video

Laascaanood (HM)-Magaalada Hargeisa waxaa maanta Isku soo bax ka sameeyay Qaar kamid ah Haweenka ku dhaqan magaalada, Kuwaasi oo sheegay in Caruurtoodi oo Tahriibtay kuna kusugan dalka Liibiya Saddex jeer la kala iibsaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Haweenkan ayaa sheegay inay ka Murugaysan yihiin Xaalada Caruurtooda, waxayna codsi u direen Bulshada Soomaaliyeed, Xukuumadda Muuse biixi iyo Beesha Caalamka.

Waxay sheegeen inay gaadhayaan dadkaasi 150-Qof, waxayna xuseen inay isugu jiraan Soomaali oo dhan.

Intaas kadib Haweenkan oo si nabad ah ugu Banaanbaxaya Bartamaha Magaalada Hargeysa waxaa goobta soo gaadhay Ciidanka Booliska  Soomaliland waxaana ay wada xidheen Dhamaan Hooyoyinkii halkaasi ka dhigayey Banaanbaxa iyaga oo aan sheegin sababta.

Dawladda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe dalka kusoo celinaysay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhibaato ku haysatay dalka Liibiya, Waxaana sidoo kale jira dhalinyaro diiday inay soo noqdaan, Halka ay jiraan kuwa aan laga War hayn goobaha ay ku xidhan yihiin.

 

SOMALI NEWS

To Top