WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbiga Waddani oo ganefka ku dhuftay Xaalada deg dega ah ee Muuse Biixi kusoo rogay G. Sanaag-Video

Hargeisa ( HM) Xisbiga wadani ayaa siwayn uga soo Horjeestay Go’aankii Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi uu Xaalada degdega ah ugu soo rogay deegaanada Ceel-Afwayn, Ceerigaabo iyo Gar-adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka Guud ee Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ayaa ku baaqay inaan la Ansixin go’aankaasi, Wuxuuna sheegay inay ka mid tahay Qorshe Xumaanta Haysata Xukuumadda Kulmiye.

Wuxuu sheegay in gobolka sanaag aanu geyin in Culayska intaas le’eg loo saaro Afar Shaqsi dhibaato ay gaysteen, Wuxuuna Sheegeen inay Caqabad wayn ku noqon doonto Nolsha Bulshadaasi, Wuxuuna sheegay inay Xisbi ahaan ka digayaan masuuliyad dararada Wasaarada arimaha gudaha gobol dhan dhibaaot loo soo saaro.

Dhinaca kale wuxuu ka Jawaabay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, oo Xalay warbaahinta ka hadlay.

“Suurto gal nagama ah Xisbi ahaan inaanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku sheegno Qaran dumis iyo Gun aan garasho laheyn hadalki xalay saqdi dhexe Wasiirka War~faafintu saxaafadda la soo hor-fadhiistay milgaha dawladnimo iyo muumuska qaranka ayuu ceeb ku aha Umadda Somaliland xaal ayaanu ka siinayna Xalka Xukumadda kulmiye haysaa waa kala erdhaynta shacaka iyo kobcinta qabyaaladda,” Ayuu yidhi Barkhad.

SOMALI NEWS

To Top