WARARKA SOOMAALI

Daawo:-wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Turkiga & Erdogan oo si kulul uga hadlay-Video

Laascanood ( HM ) Tirada maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee lagu dilay weerarka uu Turkiga ku qaaday woqooyiga dalka Suuriya ayaa gaaray Boqolaal dagaalyahan sida uu Maanta oo Axad ah xaqiijiyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Erdogan oo warbaahinta faahfaahin ka siinayey halka uu marayo weerarka ay Ciidamada Turkiga ku qaadeen woqooyiga dalka Suuriya ayaa sheegay in la dilay 440 Argagixiso ah, halka 26 la dhaawacay sidoo kalana wuxuu sheegay in 24 kale ay isa soo dhiibeen, Wuxuuna xusay in Ciidamada Turkiga iyo kuwa Militariga Suuriya ee SNA ay u suurta gashay inay Argagixisada ka qabsadaan 109 kilometers oo isku wareeg ah.

HALKAN KA DAAWO

Erdoğan wuxuu sheegay in argaggixisadu ay awoodi kari waayeen inay ka hortagaan ciidamada Turkiga oo ay taas badalkeeda bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah. “Degmooyinka shicibku waxaa ku dhacay 652 madaafiic ah, kala bar waxay ku dhaceen degmooyinka Nusaybin iyo Kızıltepe. Waxay raadinayaan inay dhibaateeyaan shacabka,”

Madaxwayne  Erdogan ayaa sheegay in 18 shacab ah oo badankood carruur yihiin la dilay, halka 147 kale lagu dhaawacay weerarada argagixisada, sidoo kalana wuxuu sheegay in Ciidamada Turkiga laga dilay 2 kamid ah ciidamadooda halka uu sheegay in Ciidamada Siiriya dagaalka looga dilay 16.

Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Eusan ayaa sheegay in Mareykanku uu ka daadgureyn doono ku dhawaad 1000 askari waqooyiga Siiriya xilli uu socdo Howlgalka Nabadda ee Turkiga, Wuxuuna sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku siiyay ciidamada Mareykanka inay u guuraan koonfurta kana guuraan halka uu ka socdo howlgalka  Turkiga, laakiin wuxuu xaqiijiyey inaysan ka bixi doonin guud ahaan Siiriya .

SOMALI NEWS

To Top