WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Khasaare xooggan oo ka dhashay Huubiye lagu garaacay xarunta Xalane-Video

Muqdisho (HM)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye oo maanta oo Axad ah lagu qaadey xarunta Xalane, ee magaaladda Muqdisho.

Qof ku sugan xarunta Xalane ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Muqdisho in 3 Askari oo katirsan AMISOM, 3 shaqaale kuwa dhisamaha ah iyo hal qof oo ajnabi ah ay ku dhaawacmeen weerar, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka AMISOM.

Inta la ogyahay 6 hoobiye , ayaa ku dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane oo ku dhegan, waxaana dhawaqa qaraxyada hoobiyayaasha laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda.

HALKAN KA DAAWO 

Lama oga halka laga soo tuuray hoobiyayaasha lala beegsaday Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin safaaradaha shisheeye, oo mida Mareykanka ay ku jirto iyo hay’adaha Qaramada Midoobey.

Waa markii 2aad oo hoobiye lagu garaaco Xalane, iyadoo horaantii sanadkan lagu qaadey weerar noocan ah, oo dhowr shaqaale UN lagu dhaawacay, waxaana dhacdada lagu beegay xili Muqdisho laga eryay Wakiilkii UN-ka Nickolas Haysom.

SOMALI NEWS

To Top