WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadii kasoo baxay maamulka Soomaliland & sida Puntland usoo dhawaysay-Video

Garoowe ( HM ) Ciidamo ka tirsanaa maamulka Somaliland gaar ahaan Guutada 93-aad  oo Fadhigoodu ahaa magaalada Ceel-buh ee Gobolka sanaag  ayaa maanta ku Biiray Puntland,  Waxaana soo dhowayn u sameeyay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

HALKAN KA DAAWO

Maamulka Gobolka Sanaag, Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland ee Gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweeyay Ciidamadaan oo uu hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.

Dhankooda Ciidamada Soo goostay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Bulshadooda, diyaarna ay u yihiin in ay qayb ka noqdaan Ciidamada difaaca Puntland, Waxayna ka Warbixiyeen Sababta keentay Inay ka goostaan Ciidamada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top