WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni oo tallaabo ka qaaday Beelihii kacdoonka ka billaabay gobolka Bari-Akhriso

Boosaaso (HM) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhan ah dadka ku lugta kacdoonka ka dhanka ah maamulka ee ay wadaan qaar ka mid ah beelaha gobolka Bari.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Xabsi ku yaalla ku xidhay Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland.

Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso uga qeybgalay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa.

Amarka lagu xidhay Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,isla markaana haatan uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Beelaha ku kacsan Deni oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari.
Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top