WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Baarlamaanka Puntland oo caleema saarka Axmed Madoobe ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Garoowe (HM ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland ayaa si adag uga hadlay Xaalada Puntland, waxayna sidoo kale dhaliileen Safarkii Madaxwayne Siciid deni uu ku tagay magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO

Waxay sheegeen inuu Siciid deni baal maray Howlihii loo doortay, Waxayna xuseen inaanu Shaqo la taaban karo qaban Mudo 9-bilood ah.

Dhinaca kale waxay ka hadleen Xadhiga loo gaystay Muuse Cali Jaamac, oo lagu xidhay Boosaaso, Waxayna sheegeen inuu yahay Xadhig aan sharci ahayn.

“Shirka magaalada Kismaayo maaha mid aanu taageersanahay, Wixii kasoo baxayna waxay Noqdeen Aflagaado ee maaha Caleemo saar, Kuwii shalay Badda Soomaaliya gatay iyo kuwa duulaanka ku ah, ayaa Madaxda Qaranka Aflagaado u gaystay, Dadka ka tagay Puntland Naguma matalaan Waxa kismaayo ka dhacay”.

SOMALI NEWS

To Top