WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo ka qeyb galay Shir muhiim

Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Federaalka Cumar Cali Rooble.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa dalka Turkiga uga qeyb galay Shirweynaha Horumarinta Arrimaha Xajka oo soo qaban qabisay Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo lagu qabtay Magaalada Ankara.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Federaalka ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha oo uu uga hadlay Arrimaha Xajka, isagoona kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Awqaafta .

SOMALI NEWS

To Top