WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Cali Guudlaawe oo safar lama filaan ku gaaray Degmo ka tirsan…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo todobaadadii la soo dhaafay ku sugna Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu gaaray degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga Madaxweyne cali Guudlaawe ayaa waxaa degmada Warsheekh kusoo dhaweeyay, Golaha degaanka degmada Warsheekh, Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM eek u sugan degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Intaasi kadib Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ah wehlunayeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada Warsheekh ayaa waxaa uu dhagax-dhigay iskuul laga dhisayo Xeebta degmadaas.

Ammaanka guud ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanayay Ciidanka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo kuwa degmada.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Guudlaawe.

SOMALI NEWS

To Top