WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo Dacwad laga gudbiyey

Laba sarkaal oo ka mid ah booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ayaa diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaga oo sheegay inuu huriyey weerarkii dhimashada lahaa ee xarunta lagu qaaday 6-dii Janaayo.

Waxay gal dacwadeedka ku sheegeen in Trump uu mas’uul ka ahaa dhaawac jir iyo mid maskaxeed oo kasoo gaaray weerarka.

James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, ayaga oo raadinaya madghow gaaraya ugu yaraan $75,000 midkiiba.

Dacwadda ayaa qiil ka dhiganeysa hadalladii Trump ee kahor iyo kadib doorashadii madaxweynaha ee dhacday 3-dii November, ee uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka.

SOMALI NEWS

To Top