WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Masar oo Digniin Culus u dirtay Dowladda Itoobiya, xili labada…

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi ayaa ka digay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.

Madaxweyne Masar oo maanta ka hadlayay marinka Suez wuxuu carabka ku adkeeyay in lasii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka marka ay roobabka bilowdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro muranka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Masar.

SOMALI NEWS

To Top