WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo Mas’uul cusub magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo SL/XM/WM/222-643/032021   uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Magaacista Madaxweyne Biixi.

SOMALI NEWS

To Top