WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni iyo Safiirka Sweden?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa halka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada ee Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaas oo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal waxaa ay ugu jiraan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya, iyaga oo la kulmayay dhinacyada isku haaya doorashada.

SOMALI NEWS

To Top