WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Turkiga oo Maxakamad soo taagay dad loo haysto dilkii Wariye Jamaal Khashooji-Video

Istanbul ( HM) 20 qof oo u dhashay Sacuudiga oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, ayaa Jimcaha maanta ah ay maxkamadeyntooda ka billaabatay Turkiga iyagoo maqan, waxaana lagu soo eedeeyey dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khashooji.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khashoggi ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii October, 2018-kii halkaasi oo uu u tagay in uu dukumiintiyo uga helo arooska lammaantiisa Turkish-ka ah, Hatice Cengiz.

Xeer-ilaaliyeyaasha Turkiga ayaa sheegaya in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Sucuudiga, Axmed al-Assiri, iyo sarkaalka warbaahinta ee boqortooyada, Saud al-Qahtani, ay hogaaminayeen howlgalka lagu dilay Khashoggi, ayna amrayeen kooxda wax dishay.

Waxaa si rasmi ah dacwad loogu soo oogay bishii Maarso, taasi oo ah in ay “qorsheeyeen dilka ula kac ah, islamarkaana argagax leh” oo uu sababay ciqaab loo gaystay Khashggi.

Xeer ilaaliyaha ayaa horey u soo saaray amar lagu doonayo in lagu xiro eedeysaneyaashan oo ka maqan Turkiga.

Cengiz, oo ah qofka dacweynaya eedeysaneyaasha, ayaa xaadirtay maxkamadda iyadoo ay weheliso Agnes Callamard oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dilalka ka baxsan sharciga, iyo kuwa aan sababta laheyn.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top