WARARKA SOOMAALI

Hargeysa:-Taiwan oo Soomaliland usoo magacowday wakiil cusub.

Laascanood (HM)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa xaqiijisay  in Lou Chen-hwa oo ahaa wakiilkeedii u qaabilsanaa dalka Sacuudiga ay maanta u Magacowday Safiirka Taiwan ee Somaliland.

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa u xaqiijiyey magacaabista CNA kadib markii warbaahinta maxalliga ahi ay soo weriyeen in laanta fulinta Yuan ay u magacowday Lou, mid ka mid ah afarta dibloomaasiyiin reer Taiwan ah oo ku sugnaa Somaliland ilaa bishii Febraayo iyaga oo isu diyaarinaya in ay xafiiska dhisaan, iyada oo ah wakiilka Taiwan ee Somaliland.

Taiwan ayaa ka go’day Shiinaha, waxaana dal u aqoonsan dalal uu ka mid yahay Mareykanka, dhawaan ayay xidhiidh la yeelatay maamulka Somaliland oo isaguna sheegta dal ka madax banaan Soomaaliya in kasta oo ilaa hada uusan jirin dal caalamka ah oo aqoonsan.

Somaliland ayaa sidoo kale u Magacowday Wakiil Taiwan sidda uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland Yasiin Maxamuud Xiirt (Faratoon).

Dowladda Shiinaha ayaa aad uga cadhootay tallaabada diblamaasiyadeed ee dhexmartay labadan maamul, Safaarada shiinaha ee Soomaaliya war qoraala oo ay soo saartay kol hore waxay ku sheegtay tallaabo guracan oo ay qaaday Taiwan oo shiinihu u aqoonsan yahay gobol kamid ah dalkeeda.

Horufadhi News


SOMALI NEWS

To Top