WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii xoogganaa ee saaka ka dhacay Muqdisho-Sawiro+Warbixin

Muqdisho (HM) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay ka soo hor-jeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta laanta ilaalada Canshuraha oo ku taalla halkaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, halka uu ku dhintay darawalkii waday gaadhiga qarxay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa goor sii horaysay warbaahinta gudaha u sheegay in gaadhiga uu xoog ku soo dhaafay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay, sida ay hadalka u dhigeen.

Goob ceynkee ah ayay ku taallaa xarunta la weeraray ee Ilaalinta Canshuuraha?

Xarunta Ilaalinta Canshuuraha waxa ay kasoo horjeedaa Dekedda Muqdisho, waxaana ku howlgala Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo la tababaray qaadista, dabagalka iyo la socodka Canshuuraha.

Si maalinle ah waxaa uga howlgala saraakiil iyo askar katirsan laantaas, indhahooda waxa ay u jeedaan marsada Muqdisho oo kasoo horjeedda, xubno katirsan laanta ayaa xarun kale ku leh isla gudaha dekedda.

Waxa ay Canshuuraan Badeecadaha kasoo dega Dekedda, kuwa laga rarayo iyo Gaadiidka xamuulka qaada qudhooda, iyaga oo siiya warqad muujineysa in laga jaray canshuurta ku waajibta badeeda iyo Gaadiidka.

Xarunta ayaa aad loo adkeeyay dhismo ahaan, waxaana la jaray jidadkii dhexmari jiray ee dhanka Xaafadaha Degmada Xamar jajab ka imaanayay, dhagaxaan iyo biro la furayo ayaa lagu wareejiyay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

SOMALI NEWS

To Top