WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Siyaasiyiin iyo waxgarad soo saaray bayaan ka dhan ah Deni.

Garoowe (HM)-Senatarro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan Wasiirro hore oo ka tirsanaa Xukuumaddihii iskaga dambeeyey Puntland, Jeneraallo ciidan oo ka mid ahaa raggii wax ka asaasayay maamulka Puntland, aqoonyahanno, indheer garad kale & ganacsato ka soo deegaanada maamulka Puntland ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ku wajahan xaaladda Puntland, waqtiga kala guurka ah iyo khilaaf ka dhexeeya Dowladda Federaalka & maamulkaas.

Xubnahan ayaa si wayn uga soo horjeestay in laga hadlo arrin ku saabsan in Puntland ka go’ayso Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale si kulul uga hadlay sida loo fasiray qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland oo ay markasta madaxda maamulkaasi sheegaan inuu siinayo maqaam ay sidii dowlad gooni ah ugu dhaqmi karaan, haddii laga fursan waayo.

War Saxaafadeed ay soo saareen ah ayaa lagu cadeeyey in aysan marnaba ka go’aynin Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, iyagoo soo jeediyey in caqabadaha waawayn ee jira looga gudbo wadahadal.

Bayaankan oo la magac baxay ”Soomaaliya horumarkeedu waa Puntland Barwaaqadeeda, Puntland horumarkeeduna waa Soomaaliya badhaadhaheeda,, ayaa si cad loogu canaantay Madaxweynaha Puntland Deni oo loo sheegay in aan saaxada maamulkaasi lagu soo qaadi karin dood ku saabsan madax banaani.

Dhinaca kale bayaanka ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo ugu baaqay inuu door odaynimo ka qaato marka ay xaaladdu cakiranto si dadka la iskugu soo dhoweeyo.

Waxay Madaxweynaha Puntland ugu baaqeen inuu ka qayb galo shirka wada tashiga ah ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya 5-8 bishan, isla markaana ay Puntland horseed ka noqoto geeddi socodka dowlad dhisidda iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ugu baaqay iney si waafaqsan dastuurka KMG ah u maraan maqaamka iyo metelaada gobolka Banaadir oo ay sheegeen inuu yahay mid muhiim ah.

Halkan ka akhriso Bayaanka.

SOMALI NEWS

To Top