WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Taariikhda Alle ha unaxariiste Fanaanadii Qaranka Khadiijo C/llaahi Daleys oo Canada ku geeriyootay-Video

Rabbi ha u naxariistee Fanaanadda Soomaaliyeed Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid aheyd fanaaniinta caanka ah ayaa ku geriyootay magaalada Toronto ee Caasimadda Wadanka Canada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Fanaanada Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd fanaaniinta Hobolada qaranka Waabari, waxaana lagu xusuustaa heeso caan baxay oo ay ku luuqeysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaasha labada aqalka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo masuuliyiin hey’ada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyaddeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistii Fannaannadii Qaranka Khadiijo Cabdullaahi Camey (Dalays) oo ku geeriyootey dalka Canada

SOMALI NEWS

To Top