WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:-Dhacdo argagax leh oo Saaka lagu arkay Xaafadaha Muqdisho ido la gowracay oo wadooyinka lasoo dhigay-Video

Dadka ku nool Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka la kulmay arrin la yaab leh!!,kadib markii ay ku soo tooseen Wadooyinka xaafadaha Hawlwadaag, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xarunta Degmada oo yaalla dhawr neef oo Adhi ah oo la gowracay taas oo noqotay wax ku cusub guud ahaan xafadda aadna loola yaabay !!.

Dadka deegaanka ayaa arkay in ka badan 6 neef oo Adhi ah, kuwaasi oo qoorta inta laga gowracay la soo dhigay jid-cadayaasha xaafada Hawlwadaag.

Waxa ay sheegayaan Dadka inaysan garan karin cida gowracday xoolahan ee wadooyinka sidaasi ugu tuurtay, kadibna ka tagtay, iyadoo illaa hadda la iswaydiinaayo cidii arintaan ka dambeysay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Odayaasha Xaafadda iyo Haweenka ayaa isku soo baxay, kuwaasi oo illaa hadda la fajacsan cida gowracday xoolahaan, kadibna wadooyinka sidaasi uga tagtay.

Dhacdadaan ayaa ah mid naadir ku ah Degmada Hawlwadaag, maadaama Dadka aysan horay u arkin arin noocaan oo kale ah oo sidaan xoolaha loogu galay.

Saawiro

SOMALI NEWS

To Top