WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Taariikh Nololeedkii Alle ha unaxariistee Wariye Maxamed Aadan Terra oo maanta Magaalada London ku Geeriyooday-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Maxamed Aadan Xirsi oo loo yaqaanay Terra oo ahaa Saxafi Rug-caddaa ah oo in muddo ah ku soo jiray Saxaafada Soomaaliya.

Terra ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla London oo muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay.

Halkan hoose ka akhriso Taariikhda Wariye Terra

Wariye Maxamed Aadan Xirsi (Terra) waxa uu dhashay 1-dii Janaayo 1950, Magaalada gaalkacyo ayuu kusoo barbaaray waxna ku bartay, Terra ayaa ka qalin jebiyay kuliyaddii Saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Aqrinta iyo qoraalka ayuu aad u xiiseyn jiray. Barnaamijyada arimaha bulshada ayuu wax kasoo diyaarin jiray.

Xaaskiisa waxay ahayd AUN Maryam Cali Muudey oo ahayd Macalimad, barbaariso, hobolad iyo wacyi gelinta bulshada ka shaqeyn jirtay, Dhanka kale fanaanad ruwaayado iyo heesaba qeyb ka ah bay ahayd, Ruwaayadaheeda ugu caansanaa waxaa kamid ah Ummad yahay huruddaa, ukun baa bir laga dhigay, Dunida maskax bay magan u tahay, Raad abeeso iyo  iftiinka aqoonta, Dhanka heesaheeda ugu caansan waxaa kamid ah Maalinta macalinka, Alif la kor dhabay iyo haad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDIISA

Maxamed Terra wuxuu saxaafada kusoo biiray sanadkii 1973 isaga oo doorar kala duwan oo isugu jira diyaariye, soo saare, tebiye iyo agaasime ku shaqeeyey Mihnada Saxaafadda, Waxa uu madax kasoo noqday idaacadaha Muqdisho iyo Hargeysa, Mar danbe ayuu agaasime ka noqday wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA (Somali National News Agency).

Dagaaladii sokeeye kadib waxa uu kamid ahaa dadkii dalka ka cararay isaga oo magan galyo ka helay wadanka Britain, Madax ayuu ka noqday idaacad laga dhageysto dalka Kenya – laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada IQRA FM oo la furay 18 september sanadkii 2000 ayuu Madax ka ahaa. Wariye Terra ayaa sidoo kale muddo dheer ka shaqeynayey Universal TV isaga oo soo saare iyo tabiyeba ka ahaa baarnaamijyada iyo wararka, barnaamijkii Fool ka fool ayaa kamid barnaamijyadiisii loogu jeclaa oo dhaxal badan uu ku uruuriyay, Muddooyinkii danbe waxa uu ku biiray ahaana Agaasimaha Tv-ga Puntland ee qaaradda Yurub. Mar waxa uu la shaqeyn jiray Hay’adda Care international.

Allaha U Naxariistee Wariye Maxamed Aden Xirsi Terra ayaa saakay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee dalka Ingiriiska 07 06 2018.

Waxaa Qoray: Maxamed Sheekh Yuusuf (Baari)

Agaasimaha, Machadka Daraasaadka Aadanaha Soomaaliya (ISHUS).

Kala xiriir fariin danabeed: [email protected]

SOMALI NEWS

To Top