WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Xisbiga Waddani ku sheegtay qayb kamid ah Jabhadda Caare iyo Jawaabta Seychelles -Video

Hargeisa ( HM ) Wasiirka Warfaafinta Somliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa gudoomiyaha Xisbiga Wadani ku eedeeyay in Jabhada uu Hogaamiyo Kornayl Caarre ay tahay Farac ka baxay Xisbiga Wadani.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Diire ayaa Wuxuu ugu baaqay Cabdiraxmaan Cirro inuu qayb ka noqdo Xalka la doonayo in Jabhadaasi lagu soo Xero geliyey.

“Waxaanu Filaynay inaad Duulimaad qaado, laakiin kaamaanu eegayn inaad Somaliland gudaheeda dib ugu soo noqoto, Habaynkii dhowayd hadalkii kasoo yeedhay waanu ka xunahay”. Ayuu yidhi Muuse Diiriye.

“Kuma Lihi Reer ahaan ayaad isugu tihiiin Caarre wax, balse waxaan aaminsanahay inuu yahay Farac kamid ah Xisbiga wadani, Arintaasi iyadda ah sidaad dawladda wax ugala qaban lahayd taladeeda keen.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta.

Dhinaca kale wuxuu difaacay Go’aankii madaxwaynaha Somaliland uu Cafiska ugu fidideyey dhalinyaradii 9-ka Sanno ku xidhnaa magaalada Hargeisa.

SOMALI NEWS

To Top