WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Soomaliland Gudoomiyaha Gobalka Togdheer oo la weeraray..

Burco (HM) ― Wararka naga soo gaadhaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaliland Xamse Maxamed Cabdi.

Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal.

Gaadhiga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo waramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan gudoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumada Biixi oo si cad u bidhaaminaya siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha.

Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay HM

SOMALI NEWS

To Top