WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Maxabiis ku wareejisay odayaasha dhaqanka Muqdisho-Video

Hargeysa (HM)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti madax-dhaqameed ah uu hoggaaminayey guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Muqdisho oo ka qabsoomay xalay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa hoggaanka dhaqanka beeha Muqdisho madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo burcad-badeednimo ugu xirnaa Somaliland , kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhowaan cafis u fidiyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa isla maanta oo jimco ah odoyaasha ku wareejiyay 19-kii maxbuus ee madaxweynaha Somaliland cafiyay waxaana ay u ambabaxeen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

SOMALI NEWS

To Top