WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Puntland oo ku adkasanaysa in Qaraxii Boosaaso laga baadho Qatar-Video

Garowe (HM) – Dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku adkeysaneysa mowqifkeeda ku aadan baahida loo qabo in la baaro qaraxii bishii May ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso kaasoo lala xiriiriyay dalka Qadar.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, lataliyaha sarre ee dhanka ammaanka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu shaaca in uusan wax isbedel ku imaan mowqifka xukuumadda Garowe.

Majaladda New York Times oo baahisay sheekada ku aadan in Dooxa ay kaalin ku lahayd weerarkaasi ay ku dhaawacmeen tobban ruux ayaa xustay in ay ujeedku ahaa in meesha looga saaro Imaaraadka.

“Arrinta ay Jariiradu ka qortay Qadar iyo ku lug-lahaanshiyaheeda qaraxii Boosaaso ka dhacay, qodobkaasi dowladda Puntland mowqif bey ka qaadatay, madaxweynuhuna waa ka hadlay, markii ugu horeysay oo ay jariiradu shaacisay maqaalkeeda,” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, oo ka qeybgalay Barnaamijka Faaqidaada ee VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Isaga oo mar kale sharaxaya mowqifka dowladda Puntland ayaa wuxuu intaasi raaciyay: “Waxay ka qaadatay mowqif kaasi oo ah dalab ay ka dalbaneyso hay’addaha dowladda Soomaaliya in arrinkaasi ay si degdeg ah baaris ugu sameeyan, kadibna baaristaas wixii kasoo baxa, markaasi aan annugu caddeyno mowqifkeena iyo dhamaan dowladda federaalka”.

Joornaalkan reer Mareykanka ayaa ku waramaya in uu hayo cod laga duubay safiirka Qadar u fadhiya Muqdisho, kaasi oo ganacsade dalkaasi u dhashay “u sheegaya in ay iyagu ka dambeeyeen dhacdadaasi”.

“Wargeysku lama dhayal-san karo, New York Times, waa jariirad ballaaran, waxyaabaha ay ka shan-qarisay, tuhun bey iyaddu koley muujisay, oo waxay tiri arrin caddeyneysa waan haynaa, annagu ka dowlad ahaan, mowqifkeena illaa iyo hadda ma aha Qadar baa ka dambeysay ama dowlad kalaa ka dambeysay, laakiin maadaama warkaasu soo baxay soona shaax-baxay, waxaan ku dhawaaqnay cod-saneyna in baaris degdeg ah lagu sameeyo, welina mowqifkaasi ayaan taaganahay,” ayuu lataliyaha ku daray hadalkiisa.

Xukuumadda Dooxa ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay iyadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay sheegtay “in ay ku qanacday” beeninta iyo sharaxaada Qadar.

Warbixinta NYT ayaa timid iyadda oo mudooyinkii dambe ay magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika iyo magaalooyinka kale ee qaar ay kusoo kordhayeen weerarada qaraxyadda, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Garoowe Online

SOMALI NEWS

To Top