WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo dalbatay in 1-August loo aqoonsado maalinta Federaalka Soomaaliya-Video

Laascaanood (HM)-Soomaaliya waxaa ka jira maalmo iyo taariikhyo kala duwan oo maamuus iyo muhiimad gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, laguna xusuusto qaarkood halyeeyo difaaca qaranka qayb ka ahaa.

Halyeeyadaasi oo qaarkood loo sameeyay taallooyin ayaa waxay kasoo jeedan degaanadda kala duwan ee Soomaalida.

Dabaaldegyo ku aadan xuska 1-da August, oo maalintii la aas-aasay maamulka Puntland, ayaa tan iyo shalay ka socda magaalooyin kala duwan oo dalka iyo dibadda ah, kuwaasi oo shacabka Puntland kasoo jeeda ay qabsanayaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mid kamid ah xafladahaasi ahayd tii ugu balaadhneyd ayaa habeenimadii Khamiista waxay ka qabsoontay Madaxtooyadda maamulka ee Garoowe, waxaana isugu tegay Madaxda taladda haysa, kuwii horey iyo marti ka socota dhinacyo kala duwan.

Madaxweynaha haatan ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo madasha ka hadlay ayaa wuxuu soo jeediyay in 1-da August loo aqoonsado “Maalinta Federaalka” Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa Taariikhdan waxay u huwan-tahay macno weyn. Marka hore, waxay tahay markii la aas-aasay maamulkii ugu horeeyay ee xubin ka noqday federaalka dalka ka hanaqaaday ee gobolada kale ku baahay.

Marka xigtana, maalintan “qiimaha badan u leh shacabka maamulka Puntland” ayaa ah maalintii la meel-mariyey dastuurka qabyadda ah ee dalka ka jira kaasoo Soomaaliya looga saaray kumeel-gaadhnimada.

“Maanta 1-da August waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka,” ayuu Deni ka yidhi xafladda si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday Garoowe.

Sikastaba ha ahaatee, 1-dii Agusgut, sanadkii 1998-dii, ayey ahayd markii la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dambeysay markii ay burbureen shirar looga hadlayey Dowladnimada Soomaaliya kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii.

 

SOMALI NEWS

To Top