WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo ka hadashay xiisada Kenya iyo Soomaaliya u dhaxaysa-Video

Hargeysa (HM ) Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo sii xumaaday waxii ka dambeeyay markii Kenya ay garoonka diyaaraha kasoo celisay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaasi u tagay ujeedooyin kala duwan, waxaa sidoo kale tagay magaalada Nairobi hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka yihiin xiisadda labada dowladood, islamarkaana ay ugu baaqayaan inay xaliyeen xiisada taagan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso in ay fursad kaga raadiso Kenya Khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay yeeshaan xiriir Wanaagsan, isagoo taasi ku tilmaamay inay yihiin hadalo dadka ay abuureen.

“Annaga ma dhihin kuwa ka dhex faa’ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

“Soomaaliya wax ma tarto Kenya, Balse  Kenya ayaa haatan wax tarto Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Waxaa wali taagan xiisadda ka dhalatay go’aanada dowladda Kenya ka qaadatay Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arintaasi ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aanada Kenya.

SOMALI NEWS

To Top