WARARKA SOOMAALI

Xisbiga Xasan Sheekh oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladaha Galmudug iyo Jubaland-Akhriso

Muqdisho (HM)-Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa soo badhigay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda dawlad goboleedka Galmudug, doorashooyinka Jubbaland iyo khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

Baaq uu soo saaray Xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu saluugsan yahay doorka taban ee dowladda Federaalka ku leedahay xaalada ka taagan Galmudug.

Sidoo kale Xisbiga ayaa xusay in dowladda Federaalka ay sanad-kii la soo dhaafay ku heysay Maamulkaas kala qeybin, isku dir, Cunaqabateyn iyo beegsi joogto ah oo ku aadan magac dilka Madaxda maamulkaas iyo is hor-istaagga mashaariicdii horumarineed ee dawlad goboleedka Galmudug loogu talagalay.

Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay joojisay faragelinta ay ku heyso Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

SOMALI NEWS

To Top