WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Askari Moota Bajaajle dilay oo toogasho lagu xukumay-Video

Muqdisho (HM)-Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.

Xukunka dilka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu rido Askari dila darawal mooto bajaajle ah, tan iyo markii ay soo korortay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ah

Askariga la xukumay ayaa dilay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Askarta Ciidanka dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr dhalinyaro oo wada mooto Bajaajta, waxaana taasi ay sababtay Kacdoon ka dhan ah dowladda iyo banaan baxyo looga soo horjeedo dilalkaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top