WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo aqbashay in Beesha caalamku dhex dhexaadiso iyaga iyo Puntland-Video+Warbixin

Hargeysa (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland ayaa aqbalay dadaalada nabadeed ee Beesha Caalamka ka dhex wadaan iyaga iyo Puntland, si loo soo afjaro xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq, halkaasoo bishii la soo dhaafay dagaalo qaraar ku dhex mareen labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin jidka loo marayo nabad raadinta ay wadaan Beesha Caalamka, isagoo xusay in Gobolka Sool aanu u baahneyn dagaal.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay u soo jeediyeen qodobo xal u noqon kara in la soo afjaro dagaalka, isagoo caddeeyay inay aqbaleen.

“Dhex dhexaadinta Beesha Caalamka wadaan waxay inoo soo jeediyeen afar qodobo, in xabada la joojiyo, xiriir la wada yeesho, madaxda ciidamada ay wada xiriiraan, maxaabiista laga wada hadlo daryeelkooda iyo isu celintooda, wada hadalkana dib loo bilaabo”ayuu yiri Wasiir Sacad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafuud ka kala socda Qaramada Midoobey iyo IGAD ayaa dhex dhexaadin ka dhex waday maamulada Puntland iyo Somaliland, si dagaalka Tukaraq loo joojiyo.

Hase ahaatee Puntland ayaa ku gacan seyrtay qodobada ay soo jeediyeen ee bilowga u noqonaya in xal laga gaaro dagaalka, iyadoo Puntland dalbatay in marka hore Ciidamada Puntland ka baxaan Tukaraq, isla markaana dib uga laabtaan aaggagooda.

Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka, ganacsiga iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac, iyadoo ay barbar socoto colaad hurin iyo dagaal afka ah oo ay isu marinayaan warbaahinta.

SOMALI NEWS

To Top