WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliland oo ka hadashay Lacagtii Dowladda Soomaaliya ugu deeqday dhawaan-Video

Hargeisa (Horufadhi News)-Wasiirka arimaha debedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Lacagtii ay Dawladda Soomaaliya ugu Deeqday dadkii Duufaantu saamaysay, Taasi oo gaadhaysa 1-Milyan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inay soo dhowaynayaan, Islamarkaana lagu wareejinayo Gudiga Howshaasi Qaabilsan, Waxaanu Xusay inay Duufaantu saamaysay  Sanaag, (Saaxil-Berbera) iyo Awdal.

Wasiirka arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in ay Somaliland ba u gurmatay Soomaaliya markii 2011 abaarta iyo Macluusha daran ku dhufatay Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

SOMALI NEWS

To Top